Maxaad sameyn karts haddii…
Adiga ama qof aad taqaan la daandaansado ama la weeraro.


•    Qor waxa dhacay. Haddaad awoodo in aad u qorto si nabad galyo ah, samee  video ama cod duuban  ee wata muuqaal, Si kastaba ha ahaatee, qor sida ay wax u dhaceen, Goobta ay wax ka dhaceen,iyo xiliga ay dhacday. Sidaana sameey inta ay xusuutaadu ay cusub tahay.

•    Qaado magaca iyo sida loola xiriiri karo cid kasta ee Marg ah.

•    Ka warbixi. La wadaag waxa dhaca ugu yaraan hal qof oo kale ama hay’ad aad ku kalsoon tahay.

•    Hadaad joogto goob waxbarasho la wada leeyahay qor dacwad toos ah ee waafaqsan xeerka. Ka fiiri gudoonka waxbarashada dugsiga ama jaamacadda bogeeda internetka shuruucda ashtakada iyo xuquuqda shaqsiga. Raac habka qaanuunka dhigayo eena hubi qoraalka dacwada in ay dhameystiran tahay, iyo in mudadda ay tahay in lagu xareeya aan la dhaafin.

•    Waad dacwoon kartaa xataa hadaad xabsiga weyn, saldhigga Boliiska ama  isbitaalka Gobolka aad ku sugan tahay. Weydii shaqaalaha goobta  habka loo dacwoodo ee raac hab dacwada.

•    Goobta shaqaada ama dugsiyada sida gaarka ah loo leeyahay waxay yeelan karaan hab aad u dacwoon karto.

•    Haddii lagu gardareysto ama kuu gacan qaado qof aad is guursateen ama qof aad wada dhalateen oo aad wada nooshihiin waxaad u yeeri kartaa xafiiska Idaho ee jirdilka ka dhexdhaca reeraha. Ama xafiiska dhinaca sharciga ka caawina qofkii u baahan caawinaad, Taleefanka ka hortagga gacan qaadka ka dhaca guriga 1-800-669-3176 ama qadka deg dega looga yeer xfiiska gargaarka  dhinaca sharciga ah ee Idaho 1-877-500-2980.

•    Hadaad u baahan tahay in ACLU ee Idaho, aad dacwad isla qortaan, kala soo xiriir https://acluidaho.org/file-a-complaint. Waxaynu eegnaa gafafka iyo ku xad gudubka xuquuqda shaqsiga ah ee Gobolka Idaho oo dhan. Sidoo kale waxaan gacan ka geysan karnaa in aan kula xiriirino hey’ado kale amaba aan kuu fidino gargaar noocya kale ah.